HomeWararDowladda oo War kasoo saartay howlgal lagu dilay xubno badan oo kamid...

Dowladda oo War kasoo saartay howlgal lagu dilay xubno badan oo kamid ahaa AS

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in in ka badan 70 xubnood oo kamid ahaa Al-Shabaab lagu dilay ilaa 30 kalana waa lagu dhaawacay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka oo laga fuliyay hawdka deegaanka Tabar-mooge oo qiyaastii 28-km Waqooyi kaga beegan magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug. Dowladda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in in ka badan 70 xubnood oo kamid ahaa Al-Shabaab lagu dilay ilaa 30 kalana waa lagu dhaawacay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka oo laga fuliyay hawdka deegaanka Tabar-mooge oo qiyaastii 28-km Waqooyi kaga beegan magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Dowladda ayaa sheegtay in xubnaha la dilay lagu beegsaday saddex barood oo ku yaala deegaankaas, xogta la helay ayaa sheegeysa in ay isku aruursanayeen ilaa 150-Shabaab, kuwaas oo isugu jiray xubno ka baxsaday hawlgalkii shalay ka dhacay deegaanka Carfuuda.

- Advertisement -

“Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa wali ku raad-jooga Kontomeeyo Al-Shabaab ah oo isku dayay in ay dhulka hawdka ah ku baxsadaan” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya

Howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Shalay iyo habeen hore ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada Caalamka howlgalo khasaare badan lagu gaarsiiyay Al-shabaab ay ka fuliyeen deegaanada kala ah Carfuuda iyo Ruunirgood oo ka kala tirsan gobolada Shabeellaha dhexe iyo Mudug.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts