HomeWararAskari ka tirsan Ciidanka Xoogga oo dil toogasho ah lagu Xukumay

Askari ka tirsan Ciidanka Xoogga oo dil toogasho ah lagu Xukumay

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Dable Xoogga Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Tookiyo) ayaa loo soo xiray dil bareer ah uu u geestay Marxuum Cabdijabaar Maxamed Xasan Labo iyo Tobankii bishii Augost 2022, falkaas oo ka dhacay maqaayad lagu shaaho ee kutaal isgooska Tarabuunka ee degmada Hodan. Muran salka ku haayay Siyaasad oo soo kala dhaxgalay Marxuumka iyo Cabdiraxmaan ayaa gaartay gacan […]

- Advertisement -

Dable Xoogga Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Tookiyo) ayaa loo soo xiray dil bareer ah uu u geestay Marxuum Cabdijabaar Maxamed Xasan Labo iyo Tobankii bishii Augost 2022, falkaas oo ka dhacay maqaayad lagu shaaho ee kutaal isgooska Tarabuunka ee degmada Hodan.

Muran salka ku haayay Siyaasad oo soo kala dhaxgalay Marxuumka iyo Cabdiraxmaan ayaa gaartay gacan ka hadal uu midi kaga dhuftay Wadnaha iyo Daanka.

- Advertisement -

Eedesanaha oo baxsad ka ahaa gacmaha sharciga ayaa soo gacan galay Sideed iyo Labaatankii bishii January ee Sanadkan.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday Sideed iyo Tobankii bishii February ee Sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Dable Xoogga Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Tookiyo)  Dil toogasho ahna qisaasta Marxuum Cabdijabaar Maxamed Xasan.

- Advertisement -

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada.

Latest stories