HomeWararCiidamo Itoobiyaan oo xilliga habeenkii ah Bandow ka dhaqan geliyay Degmo ka...

Ciidamo Itoobiyaan oo xilliga habeenkii ah Bandow ka dhaqan geliyay Degmo ka tirsan Gedo

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Itoobiya oo aan qeyb ka aheyn howlgalka ATIMIS, kuna sugan degmada Doolow ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa xilliga habeenkii ah bandow kusoo rogay magaalada, kaasi oo dhaqan galay. Dad ku sugan gudaha Doolow ayaa waxaa ay kusoo warrameen in bandowga ay ciidamada Itoobiyaan ah ka dhaqan geliyeen degmada, isla […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Itoobiya oo aan qeyb ka aheyn howlgalka ATIMIS, kuna sugan degmada Doolow ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa xilliga habeenkii ah bandow kusoo rogay magaalada, kaasi oo dhaqan galay.

Dad ku sugan gudaha Doolow ayaa waxaa ay kusoo warrameen in bandowga ay ciidamada Itoobiyaan ah ka dhaqan geliyeen degmada, isla markaana dadka deegaanka ay habeenkii guryahooda ku xaroodan waqti hore.

- Advertisement -

Sidoo kale ciidamada Itoobiya ayaa howlgal ka sameeya xaafadaha kala duwan ee degmada Doolow, iyagoo dadka ay ku arkaan waddooyinka ku amra inay ku xaroodan guriga, ayna joojiyaan dhaq-dhaqaaqa ay ka wadaan bannaanka.

Ciidamada ayaa waxa oo kaloo ay howlgal culus ka sameeyeen waddada xiriirisa Doolow iyo Beled-Xaawo, halkaasoo dhawaan lagu dilay 6 qof oo Oromo, Ujeedka howlgalada ayaa lagu sheegay mid ay ciidanka uga hortagayaan in falal kale lagu beegsado dadka Itoobiyaanka ah.

Weerarka todobaadkan ka dhacay magaalada Beledxaawo ayaa lagu beegsaday maqaaxi ay fadhiyaan dad Oromo ah waxaana lagu dilay Lix ruux halka tiro intaasi kabadanna lagu dhaawacay, waxaana mas’uuliyada weerarkaasi dusha looga tuuray Al-Shabaab.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts