HomeWararMaxkamadda Ciidamada oo mar kale u fariisatay kiiska 10 Ruux

Maxkamadda Ciidamada oo mar kale u fariisatay kiiska 10 Ruux

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa markale u fariisatay garmaqalka 10-ruux oo ku eedeeysan kamid noqoshada dagaalamayaasha Al-shabaab. 10-kan ruux ayaa safar u ahaa buuraha Galgala si ay ugu biiraan Shabaab. Kiiskan ayaa maanta u fariisatay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana qeyb ka mid ah raggan loo haystaa in ay ka soo dagaallameen deegaannada […]

- Advertisement -

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa markale u fariisatay garmaqalka 10-ruux oo ku eedeeysan kamid noqoshada dagaalamayaasha Al-shabaab. 10-kan ruux ayaa safar u ahaa buuraha Galgala si ay ugu biiraan Shabaab.

Kiiskan ayaa maanta u fariisatay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana qeyb ka mid ah raggan loo haystaa in ay ka soo dagaallameen deegaannada Ceel-lahelay, Sina-dhaqo, Bacaadweyn iyo qal-qal-gelinta caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

- Advertisement -

Baaraha Kiiskan oo Maxkamadda u sharxay ayaa sheegay in baaris dheer oo ay sameeyeen ay ku ogaadeen in 7-ka mid ah eedeysanayaashan u socdeen buuraha Gal-gala si ay halkaas uga dagaallmaaaan, Al-shabaabna ay ku biireen bishii lixaad ee sanadkan 2023.

7-ruux oo qaba tababaro kala duwan oo dhanka ciidanka ah waxaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ka dibna waxaa lagu wareejiyay ciidanka Danab, sida uu sheegay baaraha Kiiskan.

Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Cabdicasiis Cusmaan Faarax ayaa maxkamadda ka codsaday in lagu xukumo qodobada ay ku soo eedeeyeen, maaddaama ay khatar ku ahaayeen amniga Dalka

- Advertisement -

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa soo gabo-gabeysay dhageysiga dacwadda, waxayna sheegtay in ay dib ka soo saari doonto go’aanka 10-kan ruux.

Latest stories