HomeWararMasar 'oo ogolaatay' inay furto Marinka Rafax

Masar ‘oo ogolaatay’ inay furto Marinka Rafax

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Xoghayaha Arrimaha Debedda Maraykanka Antony Blinken ayaa Axaddii sheegay in dib loo furi doono Marinka Rafah ee ku yaalla xuduudda Gaza, kaas oo ay maamusho Masar. Xoghayaha ayaa sheegay inay kala shaqaynayaan Masar, Israell iyo Qaramada Midoobay, sidii gargaarka loo marin lahaa marin xuduudeedkan. Boqolaal ton oo gargaar bini’aadannimo ah oo ka kala yimi dalal […]

- Advertisement -

Xoghayaha Arrimaha Debedda Maraykanka Antony Blinken ayaa Axaddii sheegay in dib loo furi doono Marinka Rafah ee ku yaalla xuduudda Gaza, kaas oo ay maamusho Masar.

Xoghayaha ayaa sheegay inay kala shaqaynayaan Masar, Israell iyo Qaramada Midoobay, sidii gargaarka loo marin lahaa marin xuduudeedkan.

- Advertisement -

Boqolaal ton oo gargaar bini’aadannimo ah oo ka kala yimi dalal kala duwan ayaa maalmahanba ku xayirnaa gacanka Siinaay ee Masar, kuwaas oo ka war-sugayey heshiis dhex mara dhinacyada ay arrintani khusayso, si loo helo marin ammaan ah oo la mariyo gargaarka bini’aadanimo, iyo weliba daadguraynta dadka haysta dhalashooyinka ajnebiga ah ee ku xayiran gudaha Gaza.

Masar ayaa sheegtay inay kor u qaaday dedaallada diblomaasiyadeed ee wax lagaga qabanayo ismari-waaga taagan.

Maraykanka ayaa Axaddii u magcaabay David Satterfield inuu noqdo ergeyga Maraykanka ee hawlaha gargaarka bani’aadanimo ee bariga dhexe, isaga oo hoggaamin doona, sidii looga jawaabi lahaa xaaladda bani’aadanimo ee ka taagan marinka Gaza.

Latest stories