HomeWararItoobiya oo si kulul kaga Jawaabtay Bayaan kasoo baxay Al-Shabaab

Itoobiya oo si kulul kaga Jawaabtay Bayaan kasoo baxay Al-Shabaab

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay war kasoo baxaya dagaalamaayaasha Al-Shabaab, kaasi oo ay guulo kaga sheegteen dagaal gobolka Bakool ee koonfur-galbeed Soomaaliya ku dhex-maray Ciidanka Itoobiya iyo AL-Shabaab. Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtar Mohamed Ware ayaa VOA u sheegay inuu baraha bulshada ku arkay sheegashada Al-Shabaab, wuxuuna ku qeexay “dacaayad.” “Waa ay isku dayi karaan […]

- Advertisement -

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay war kasoo baxaya dagaalamaayaasha Al-Shabaab, kaasi oo ay guulo kaga sheegteen dagaal gobolka Bakool ee koonfur-galbeed Soomaaliya ku dhex-maray Ciidanka Itoobiya iyo AL-Shabaab.

Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtar Mohamed Ware ayaa VOA u sheegay inuu baraha bulshada ku arkay sheegashada Al-Shabaab, wuxuuna ku qeexay “dacaayad.”

- Advertisement -

“Waa ay isku dayi karaan [inay weeraraan ciidamada Itoobiya] balse xitaa 10 daqiiqo rasaas kuma ridi karaan ciidamada difaaca Itoobiya,” ayuu yiri.

Safiirka ayaa intaasi ku daray in Soomaaliya u joogaan go’aannadii Midowga Afrika iyo beesha caalamka ee lagu taageerayo dowladda Soomaaliya iyo dadaalka ay ugu jirto sidii dalkan nabad looga dhalin lahaa.

Dagaalkii shalay ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerareen laba kolonyo oo ka mid ciidamada Itoobiya, oo mid uu ka yimid Yeed kuna socda Waajid, halka kan kale la beegsaday xillii ay ka safrayeen Ceel-Barde kuna socdeen Xudur. Ciidamada Itoobiya ayaa fariisimo ku leh Xudur iyo Waajid.

- Advertisement -

Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay dagaalka ku dishay 167 askari oo Itoobiyaan ah, islamarkaana ay burburisay baabuur militari, waxaana taas wax kama jiraan ku tilmaamay Safiirka Itoobiya.

Latest stories