HomeWararDFS oo War kasoo saartay Caawa khasaaraha Dagaaladii ka dhacay Sargo iyo...

DFS oo War kasoo saartay Caawa khasaaraha Dagaaladii ka dhacay Sargo iyo Qodqod

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ayaa Galabta dagaalamayaasha Al-Shabaab kala wareegay deegaannada Sargo iyo Qodqod oo ka tirsan Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu qabsaday deegaannadaasi lagu dilay in ka badan 30 xubnood oo kamid ahaa AS, iyada oo sidoo kale looga gubay afar gaari, lagana qabsaday  labo gaari iyo hub badan.

Wasaaradda ayaa tilmaamtay inuu dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidanka xoogga iyo Al-Shabaab, isla markaana Shabaabka ay weerar xooggan ku qaadeen deegaannada Sargo iyo Qodqod, ayna ciidamada iska difaaceen weerarkaasi oo ka yimid dhanka  deegaanka Qodqod ee ku yaalla duleedka magaalada Camaara.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa shacabka geesiyaasha ah ee go’aansaday in ay cadawga ummadda Soomaaliyeed ee AS ah iska dul qaadaan garabna istaagaan Ciidanka qaranka” ayaa lagu yiri Warka dowladda Caawa soo saartay.

Weerarkaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo gelinkii dambe ee shalay uu deegaanka Ceel-lahelay ee Gobolka Galgaduud uu ka dhacay dagaal khasaaro badan dhaliyay, waxaana Shabaabka ay sheegeen inay khasaaro gaarsiiyeen ciidankii DANAB ee halkaasi joogay, ayna  ka qabsadeen hub iyo gaadiid, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka…

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories