HomeWararWararkii ugu danbeeyay Dhaqaatiir Dil iyo dhaawac loogu geystay Gaalkacyo

Wararkii ugu danbeeyay Dhaqaatiir Dil iyo dhaawac loogu geystay Gaalkacyo

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya rag hubeysan oo gelinkii dambe ee galabta fal isugu jiray dil iyo dhaawac ka geystay Xarun Caafimaad oo ay ku shaqeynayeen dhaqaatiir, taasi oo ku taalla magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Ragga hubeysnaa ayaa gudaha u galay Xarunta oo ay ku jireen xilligaas dhaqaatiirta ka howlgalayay, iyagoona ku […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya rag hubeysan oo gelinkii dambe ee galabta fal isugu jiray dil iyo dhaawac ka geystay Xarun Caafimaad oo ay ku shaqeynayeen dhaqaatiir, taasi oo ku taalla magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Ragga hubeysnaa ayaa gudaha u galay Xarunta oo ay ku jireen xilligaas dhaqaatiirta ka howlgalayay, iyagoona ku bilaabay rasaas oo dhalisay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray dhaqaatiirta, sida ay kusoo warrameen dad goobta ka agdhawaa.

- Advertisement -

Allaha u naxariistee Dr. Sakariye Cabdi Jaamac oo ahaa wiil dhallinyaro ah ayaa goobta lagu dilay, halka la dhaawacay gabar la shaqaynaysay, Xarunta Caafimaadka ee uu falkaas ka dhacay ayaa aheyd Al Xaramayn Pharmacy and Super Market.

Raggii falkaas ka dambeeyay ayaa durbadii goobta ka baxsday, isla markaana waxaa Xarunta Al Xaramayn Pharmacy gaaray qaar kamid ah dadka ku sugnaa meel ku dhow Xarunta, iyagoona ka qaaday Meydka Dr. Sakariye Cabdi Jaamac.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilkan, inkastoo ay jiraan warar sheegaya inuu salka ku hayo aano qabiil. Marxuum Dr. Sakariye Cabdi Jaamac ayaa ka mid ahaa dhaqaatiirta ka howlgasha Magaalada Gaalkacyo, waxaana dilka loo geystay si weyn uga argagaxay shacabka magaalada.

Latest stories