HomeWararGolaha Wasiirada Xukuumadda oo ansixiyay magacaabista xubno cusub

Golaha Wasiirada Xukuumadda oo ansixiyay magacaabista xubno cusub

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulankoodii todobaadlaha ahaa maanta ku ansixiyay magacaabista saddex xubnood oo ka mid noqonaya Guddiga Sare Bangiga Dhexe, kadib soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda.

Shirka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansixiyey xubnaha oo kala ah:-

- Advertisement -

Prof. Cabdullaahi Sheekh Ibraahim(Qaloocoow)

Faysal Cabdulaahi Warsame

Maxamed Xasan Cumar.

- Advertisement -

Golaha Wasiiradda ayaa warbixin la xiriirta hannaanka diyaarinta hiigsiga qarni jirka 2060 ka dhagaystay golaha dhaqaalaha qaranka, iyadoo la ayiday in guddi hwaleed farsamo oo heer Wasaradeed ah lagu kaabo, si looga midho dhaliyo hiigsiga 20260.

Golaha ayaa ansixiyay qaraar lagu xoojinayo u hogaansanaanta sharciyada iyo xeerarka dakhliga, kaas oo lagu bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed bixinta canshuuraha oo laf dhabar u ah dib u dhiska kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

Dhanka kale Golaha ayaa warbixin la xiriirta amniga guud ee dalka, gaar ahaan wajiga labaad ee howlgalka dib u xoraynta ee ka dhanka ah Al-Shabaab ah ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

Latest stories