HomeWararWararkii ugu danbeeyay Weerar khasaaro sababay oo ka dhacay Deyniile

Wararkii ugu danbeeyay Weerar khasaaro sababay oo ka dhacay Deyniile

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa habeenimadii xalay aheyd weerar kusoo qaaday Bar koontarool oo ciidanka ammaanka dowladda Federaalka ku leeyihiin degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, waxaana weerarka kadib dhacay iska horimaad.

Qaar kamid ah dadka deegaanka xaafadda tiida oo ah halka uu iska horimaad ka dhacay ayaa kusoo warramay in daqiiqado kooban ay maqlayeen dhawaqa hub culus oo dhacaayay, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay falkaas ka dhacay Deyniile.

- Advertisement -

Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan Booliska dowladda oo ku sugnaa barta Koontarool ayaa goobta ku dhintay, halka sida la tilmaamay xubnihii  weerarka soo qaaday iyaguna laga toogtay labo, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo kale gaaray Askar.

Raggii weerarka soo qaaday oo watay hub culus ayaa ka baxsaday halka uu weerarka ka dhacay, Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka dowladda Federaalka oo ay uga hadlayaan iska horimaadkii ka dhacay degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir,

Waa weerarkii labaad oo saacado gudahood ay Al-Shabaab ka fulineyso gudaha caasimadda Muqdisho, gelinkii dambe ee shalay ayey aheyd markii qarixii is-miidaaminta ahaa uu ka dhacay guryaha saraakiisha ee degmada Hodan, iyadoona halkaas ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen saraakiil iyo Askar ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Latest stories