HomeWararWararkii ugu danbeeyay Weerar khasaaro sababay oo ka dhacay Deyniile

Wararkii ugu danbeeyay Weerar khasaaro sababay oo ka dhacay Deyniile

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa habeenimadii xalay aheyd weerar kusoo qaaday Bar koontarool oo ciidanka ammaanka dowladda Federaalka ku leeyihiin degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, waxaana weerarka kadib dhacay iska horimaad. Qaar kamid ah dadka deegaanka xaafadda tiida oo ah halka uu iska horimaad ka dhacay ayaa kusoo warramay in daqiiqado kooban ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa habeenimadii xalay aheyd weerar kusoo qaaday Bar koontarool oo ciidanka ammaanka dowladda Federaalka ku leeyihiin degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, waxaana weerarka kadib dhacay iska horimaad.

Qaar kamid ah dadka deegaanka xaafadda tiida oo ah halka uu iska horimaad ka dhacay ayaa kusoo warramay in daqiiqado kooban ay maqlayeen dhawaqa hub culus oo dhacaayay, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay falkaas ka dhacay Deyniile.

- Advertisement -

Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan Booliska dowladda oo ku sugnaa barta Koontarool ayaa goobta ku dhintay, halka sida la tilmaamay xubnihii  weerarka soo qaaday iyaguna laga toogtay labo, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo kale gaaray Askar.

Raggii weerarka soo qaaday oo watay hub culus ayaa ka baxsaday halka uu weerarka ka dhacay, Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka dowladda Federaalka oo ay uga hadlayaan iska horimaadkii ka dhacay degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir,

Waa weerarkii labaad oo saacado gudahood ay Al-Shabaab ka fulineyso gudaha caasimadda Muqdisho, gelinkii dambe ee shalay ayey aheyd markii qarixii is-miidaaminta ahaa uu ka dhacay guryaha saraakiisha ee degmada Hodan, iyadoona halkaas ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen saraakiil iyo Askar ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts