HomeWararDuqa Muqdisho oo soo saaray Baaq la xiriira dhismaha waddooyinka Burbursan

Duqa Muqdisho oo soo saaray Baaq la xiriira dhismaha waddooyinka Burbursan

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Miqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa dhagax-dhigay Laamiga Via Liberia ee isku xira Isgoyska Shaqaalaha iyo Waddada 21 Oktoobar ee degmada Waaberi, kaas oo muhiim u ah isu socodka bulshada iyo ganacsiga Caasimadda.

Munaasabadda dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Waaberi, Agaasimeyaal, Odayaasha iyo Haweenka Degmada.

- Advertisement -

Iyadoona dhismaha waddadan ay qeyb ka tahay barnaamijka dalkaaga ku dhiso Hal dollar oo qorshuhu yahay in dadweynuhu ay kaalintooda kaga qaataan horumarka Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlayay munaasabadda dhagax-dhigga, ayaa tilmaamay muhiimadda ay waddadani u leedahay isu socodka Caasimadda, isagoo ugu baaqay shacabka degmada in ay ilaalshadaan dhismaha wadadaan.

Latest stories