HomeWararMaxkamadda Ciidamada oo xukuno adag ku riday Askar dhibaateysay Askari baahiyaha gaarka...

Maxkamadda Ciidamada oo xukuno adag ku riday Askar dhibaateysay Askari baahiyaha gaarka ah qabay

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa Maanta oo Axad ah waxa ay xukuno ku riday saddex Askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo kaalin kala duwan ku lahaa Muuqaal internet lagu baahiyay. Eedeysanaha koowaad oo lagu magacaabo Axmed Maxamuud (Carab) ayaa la arkay isago oo jirdil ka baxsan Bini’aadanimada u […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa Maanta oo Axad ah waxa ay xukuno ku riday saddex Askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo kaalin kala duwan ku lahaa Muuqaal internet lagu baahiyay.

Eedeysanaha koowaad oo lagu magacaabo Axmed Maxamuud (Carab) ayaa la arkay isago oo jirdil ka baxsan Bini’aadanimada u gaysanayo askari hore oo baahiyaha gaarka ah qabay oo adeeg u doontay Taraafikada.

- Advertisement -

Maxkamadda ciidamada ayaa Axmed Maxamuud ku xukuntay saddex sano oo xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin.

Axmed Xasan Cadaawe oo ahaa madaxa Camerada CCTV, ahaana ninkii la wadagaagay Cabdullaahi Abuukar Cariif ayaa lagu xukumay min laba sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay inay awoodi kareen in ay la wadaagaan muuqaalka hay’adaha ku shaqada leh CID iyo xeer Ilaalinta Ciidamada, balse badalkeed waxa ay doorteen ceebaynta Qaybta ilaalada Nabad Galyada Waddooyinka.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ciidamada qalabka sida gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka Maanta lagu riday saddexda Askari ee kaalinta kala duwan ku lahaa jirdil ka baxsan Bini’aadanimada oo loo geystay askari hore oo baahiyaha gaarka ah qabay oo adeeg u doontay Taraafikada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts