HomeWararGo’aankii Mooto Bajaajta ee A iyo B oo Maanta ka dhaqan galay...

Go’aankii Mooto Bajaajta ee A iyo B oo Maanta ka dhaqan galay Muqdisho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Waxaa Maanta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka dhaqan galay Go’aankii laba bil kahor kasoo baxay Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ee ahaa in Mootooyinka Bajaajta loo sameeyo sumad gaar ah oo ah (A iyo B), si loo yareeyo saxmada waddooyinka. Mootooyinka Bajaajta ee lagu kala buufiyay sumada (A iyo B) ayaa kala shaqeynaya laba maalin, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa Maanta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka dhaqan galay Go’aankii laba bil kahor kasoo baxay Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ee ahaa in Mootooyinka Bajaajta loo sameeyo sumad gaar ah oo ah (A iyo B), si loo yareeyo saxmada waddooyinka.

Mootooyinka Bajaajta ee lagu kala buufiyay sumada (A iyo B) ayaa kala shaqeynaya laba maalin, waxaana shalay oo Arbaco aheyd soo dhammaatay sumadeynta iyo Buufinta mootooyinka, sida uu sheegay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Dheere.

- Advertisement -

Maanta oo khamiis ah ayaa waxaa waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho iyo meelaha ku dhow ka shaqeyneysa Mooto Bajaajta ay ku buufsan tahay A, mana jirto Mooto ay ku qoran B oo la arkayo, waxaana sidaas ku dhaqan galay Amarka lasoo saaray.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in fulinta amrka jadwalka Mootooyinka loo xilsaaray Taliska ciidanka taraafikada, ciidanka dowlada hoose ee Xamar iyo dhamaan laamaha kale amaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Si kastaba Golaha Wasiirada Xukuumadda iyo Maamulka Gobolka ayaa horey u sheegay in sababta loo soo saaray amarkaan uu yahay mid lagu doonayo in ciriiriga looga yareeyo waddooyinka Muqdisho, oo saxmad iyo Jaam xooggan ay ka jiraan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts