HomeCaalamkaCiidamada Israel oo saddex dagaalyahan ku dilay Daanta Galbeed

Ciidamada Israel oo saddex dagaalyahan ku dilay Daanta Galbeed

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Ciidamada Israel ayaa xalay Daanta Galbeed ee la haysto ku dilay saddex dagaalyahan oo Falastiiniyiin ah, howlgalkaas oo ciidamada ay ku qeexeen mid lagu soo qabanayey xubno lagu tuhunsan yahay argagixisanimo. Bayaan ay soo saartay ayey wasaaradda Caafimaadka Falastiiniyiinta ku sheegtay in saddexda nin oo lagu dilay xerada qaxootiga Balata ee Nablus lagu magacaabay Muhammad […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamada Israel ayaa xalay Daanta Galbeed ee la haysto ku dilay saddex dagaalyahan oo Falastiiniyiin ah, howlgalkaas oo ciidamada ay ku qeexeen mid lagu soo qabanayey xubno lagu tuhunsan yahay argagixisanimo.

Bayaan ay soo saartay ayey wasaaradda Caafimaadka Falastiiniyiinta ku sheegtay in saddexda nin oo lagu dilay xerada qaxootiga Balata ee Nablus lagu magacaabay Muhammad Abu Zaytoun, 32 jir, Fathi Abu Rizk, 30 jir, iyo Abdullah Abu Hamdan, 24 jir.

- Advertisement -

Guutada Shuhadada Al-Aqsa, oo ah garabka hubeysan ee xisbiga Fatah ee madaxweyne Mahmud Abbas, ayaa bayaan ku sheegtay in saddexda nin ay xubin ka ahaayeen dagaalyahannada kooxda.

Ciidamada Israel ayaa sheegay inay toogteen dhowr dagaalyahan kadib markii dagaal uu qarxay intii uu socday howlgal “ka hortag argagixiso,” kaasi oo saddxe qof ay kusoo xireen.

Intii uu socday howlgalka “koox hubeysan ayaa rasaas kusoo furay askarta kuwaasi oo iyagana rasaas ku jawaabay,” ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada Israel.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts