HomeCaalamkaWilliam Ruto oo ka codsaday mucaaradka inay fursad siiyaan wadahadallada

William Ruto oo ka codsaday mucaaradka inay fursad siiyaan wadahadallada

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ka codsaday mucaaradka inay fursad siiyaan wadahadallada, halka Raila Odinga, mucaaridkiisa ugu weyn uu ku boorriyay taageeryaashiisa inay mar kale isugu soo baxaan dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda. Kumannaan qof ayaa ka qaybqaatay mudaaharaad saddex maalmood socday dabayaaqadii bishii March, kaas oo ay hareeyeen isku dhacyo u dhexeeyay dibadbaxayaasha iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ka codsaday mucaaradka inay fursad siiyaan wadahadallada, halka Raila Odinga, mucaaridkiisa ugu weyn uu ku boorriyay taageeryaashiisa inay mar kale isugu soo baxaan dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda.

Kumannaan qof ayaa ka qaybqaatay mudaaharaad saddex maalmood socday dabayaaqadii bishii March, kaas oo ay hareeyeen isku dhacyo u dhexeeyay dibadbaxayaasha iyo booliiska.

- Advertisement -

Dibadbaxyada ayaa qeyb ka ahaa eedeymo musuq-maasuq ah oo lagu soo oogay doorashadii madaxtinimo ee dhacday bishii Agoosto ee sanadkii hore, taasoo uu Ruto si dirqi ah kaga guuleystay Raila Odinga.

Khamiistii, Odinga, ayaa sheegay in mucaaradku ay dib u billaabi doonaan dibadbaxyada – marka ay dhammaato bisha barakeysan ee Ramadaan.

Isbaheysiga talada haya ee Ruto ayaa sheegay in doorashii sanadkii hore ay u dhacday si caddaalad ah, isla markaana difaacay waxqabadkii dhinaca dhaqaalaha Kenya intii uu xilka hayay, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo dibadbaxyada, isaga oo sheegay inay shaki gelinayaan daacadnimada mucaaradka ee ka qaybgalka wadahadallada.

- Advertisement -

Isbaheysiga Odinga ee Azimio La Umoja iyo Isbaheysiga Ruto ee Kenya Kwanza ayaa isku khilaafsan nuxurka wadahadalka iyo cidda hoggaamineysa. Kenya Kwanza ayaa doonaysa in wadahadallada ay ka qayb-galaan oo keliya xildhibaannada lagana doodo oo keliya soo xulista guddiga doorashada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts