HomeCaalamkaWararkii ugu danbeeyay Dagaalka culus ee Suudaan oo galay maalintii 2-aad

Wararkii ugu danbeeyay Dagaalka culus ee Suudaan oo galay maalintii 2-aad

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Jugta madaafiicda culus ayaa aroornimadii Axada maanta ah laga maqlayay Omdurman, oo kaabiga ku haysa magaalada Khartoum, iyo Bahri oo iyadana ku dhow. Goob joogayaal ayaa sidoo kale sheegay in rasaas ay ka dhacaysay magaalada Port Sudan ee ku taalla badda cas. Dadka deggan Khartoum ayaa BBC-da u sheegay inay argagax iyo cabsi ku dhacday […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Jugta madaafiicda culus ayaa aroornimadii Axada maanta ah laga maqlayay Omdurman, oo kaabiga ku haysa magaalada Khartoum, iyo Bahri oo iyadana ku dhow. Goob joogayaal ayaa sidoo kale sheegay in rasaas ay ka dhacaysay magaalada Port Sudan ee ku taalla badda cas.

Dadka deggan Khartoum ayaa BBC-da u sheegay inay argagax iyo cabsi ku dhacday iyadoo mid ka mid ah uu tilmaamay in rasaas lagu soo riday guriga deriska la ah.

- Advertisement -

Dhinaca kale, ugu yaraan 56 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen iska horimaad culus oo u dhaxeeyay ciidamada Sudan iyo ciidamada RSF ah kaas oo ka dhacay caasimadda Suudan ee Khartoum.

Dagaalada ayaa sidoo kale ku fiday qeybo kale oo dalka ka mid ah oo uu ku jiro gobolka Daafuur oo ay ka jirto xaalad aanan deganayn. Dagaalka ayaa bilowday xilli aan laga fileyn oo dadka ay si caadi ah u wataan halw-maalmeedkooda.

Labada dhinac ayaa midba sheeganaya inuu gacanta ku hayo xarumaha muhimka ah, sida garoonka diyaaradaha. Diyaaradaha milateriga ayaa duqeeyay xarumo ay ku sugan yihiin xooggaga la dagaallamaya.

- Advertisement -

Xooggaga Dacmu Sariic ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan saddex garoon, hooyga taliyaha ciidamada iyo madaxtooyada, hase yeeshee waxaa sheegashadaas beeniyay hoggaamiyaha Sudan, Jenaraal Cabdifitaax Al-Burhaan oo u warramay telefishinka Al-Jazeera.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts