HomeWararSoomaaliya oo Dowladda Qatar kala hadashay Barnaamijka deyn Cafinta

Soomaaliya oo Dowladda Qatar kala hadashay Barnaamijka deyn Cafinta

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya,Dr. Cilmi M. Nuur ayaa magaalada Doxa ee dalka Qatar kulan muhiim ah kula yeeshay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Qatar, Ali bin Ahmed Al Kuwari. Shirka ay yeesheen Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Dhiggiisa Dowladda Qatar ayaa looga hadlay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaalada barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa dhiggiisa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya,Dr. Cilmi M. Nuur ayaa magaalada Doxa ee dalka Qatar kulan muhiim ah kula yeeshay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Qatar, Ali bin Ahmed Al Kuwari. Shirka ay yeesheen Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Dhiggiisa Dowladda Qatar ayaa looga hadlay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaalada barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa dhiggiisa Qatar warbixin ka siiyay heerka uu marayo hannnaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo dadaalada Deyn Cafinta. Wasiirka Maaliyadda Qatar ayaa soo dhaweeyay dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dadaalada ay ugu jirto in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

- Advertisement -

” Waxa aan maanta magaalada Doha ee xarunta Dalka Qatar kulan miro-dhal ah kula yeeshay dhiggayga Wasiirka Maaliyadda Dowladda Qatar Mudane Ali bin Ahmed Al-Kuwari.

Waxa aan ka wada hadalnay arrimo badan oo quseeya Horumarka dhaqaalaha Soomaaliya waxaana ka mid ahaa, qorshaha dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka iskaashiga dhaqaalaha Qatar iyo Soomaaliya”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts