HomeCaalamkaDhimashada dhul-gariirka Turkey iyo Syria oo dhaaftay 5,000

Dhimashada dhul-gariirka Turkey iyo Syria oo dhaaftay 5,000

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

gurmadka ee Turkey iyo Syria, oo ku shaqeynaya cimilo aad u qabow, ayaa weli wada inay dadka ka raadiyaan burburka dhismayaasha, ayada oo khasaaraha dhimasho ee dhul-gariirkii shalay ku dhuftay uu dhaafay 5,000 oo qof. Hay’adaha maareynta musiibooyinka ayaa sheegay in kumanaan dhisme, oo ku yaalla magaalooyinka gobol aad u baaxad weyn, ay dhulka la […]

- Advertisement -
- Advertisement -

gurmadka ee Turkey iyo Syria, oo ku shaqeynaya cimilo aad u qabow, ayaa weli wada inay dadka ka raadiyaan burburka dhismayaasha, ayada oo khasaaraha dhimasho ee dhul-gariirkii shalay ku dhuftay uu dhaafay 5,000 oo qof.

Hay’adaha maareynta musiibooyinka ayaa sheegay in kumanaan dhisme, oo ku yaalla magaalooyinka gobol aad u baaxad weyn, ay dhulka la sinmeen.

- Advertisement -

Burburka ugu weyn ayaa ka dhacay xarunta dhul-gariirka oo ah inta u dhaxeysa gobolka Kahramanmaras iyo Gaziantep, oo ah magaalo ay ku nool yihiin laba milyan oo qof.

Turkey ayaa tiradii ugu dambeysay ee dhimashada dalkaas ku sheegtay 3,419 — taasi khasaaraha dhimasho ee illaa hadda la xaqiijiyey ee Turkey iyo Syria ka dhigeysa 5,021.

Waxaa jirta cabsi ku aadan in khasaaraha uu intaas aad uga badan karo, ayada oo saraakiisha Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ay qiyaasayaan in laga yaabo in 20,000 oo qof ay dhinteen.

- Advertisement -

Kooxaha caafimaadka ayaa la xarbinaya inay daweeyaan qiyaastii 20,000 oo qof oo dhaawac ah.

Dhul-gariirkii koowaad oo aad u xoog badnaa ayaa laga dareemay illaa Greenland, waxaana xigay kuwo yar yar oo uu ku jiro mid cabirkiisu aha 7.5, kaasi oo ku dhuftay xilli ay kooxaha gurmadka ku jireen baadigoobka dadka ku waxyeeloobay dhul-gariirkii koowaad.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts