HomeWararWasiirka Arrimaha dibadda oo qaabilay Madaxa ururka Iskaashiga Islaamka u qaabilsan Somalia

Wasiirka Arrimaha dibadda oo qaabilay Madaxa ururka Iskaashiga Islaamka u qaabilsan Somalia

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya  Abshir Omar Jama – Huruse ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa ergada ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) u qaabilsan Soomaaliya Amb Mohamed Bamba  M. Boba. Wasiirka iyo wakiilka ayaa ka wada hadalnay sidii loo sii wadi lahaa loona ballaarin lahaa hawlaha samafal ee ururku ka wado dalka Soomaaliya […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya  Abshir Omar Jama – Huruse ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa ergada ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) u qaabilsan Soomaaliya Amb Mohamed Bamba  M. Boba.

Wasiirka iyo wakiilka ayaa ka wada hadalnay sidii loo sii wadi lahaa loona ballaarin lahaa hawlaha samafal ee ururku ka wado dalka Soomaaliya loona gaarsiin lahaa gobollada dalka oo dhan.

- Advertisement -

Ururka waddamada Islaamka ayaa dalkeenna ka fuliya mashaariic samafal oo isugu jira qodista ceelal biyood, dhismaha iyo dayactirka xarumo caafimaad iyo kuwo waxbarasho, wuxuu sidoo kale ururku fuliyaa hawlo gargaar oo degdeg ah.

Ururkan oo ay ku mideysan yihiin 56 dal oo Muslim ah ayaa lagu asaasay waddanka Morroco bishii Sebtembar 1969, Soomaaliyana waxaa ay ka mid tahay dalalkii asaasay.

Latest stories