HomeWararXilliga uu Baydhabo ka furmayo Shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo...

Xilliga uu Baydhabo ka furmayo Shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo la shaaciyey

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Guddiga farsamada ee qaabilsan Shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday xilliga rasmiga ah ee Shirweynaha uu ka furmayo magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ahna caasimadda KMG ah ee Maamulkaas. Guddiga farsamo ee Shirka oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in Shirweynaha looga arrinsan doono xal u helida khilaafka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddiga farsamada ee qaabilsan Shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday xilliga rasmiga ah ee Shirweynaha uu ka furmayo magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ahna caasimadda KMG ah ee Maamulkaas.

Guddiga farsamo ee Shirka oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in Shirweynaha looga arrinsan doono xal u helida khilaafka ka taagan doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu Baydhabo furmayo 16-ka bishan Janaayo.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Guddiga farsamada Yuusuf Xasan Isaaq ayaa sheegay in shirka ay kasoo qeyb geli doonaan siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Maamulka iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Federaalka oo shirka lagu casuumay, si xal looga gaaro khilaafka taagan.

Sidoo kale Guddiga ayaa wakiilada Beesha caalamka iyo cid kasta oo loo diray casuumaada shirkaasi waxay ka dalbadeen iney deg deg u gaaraan magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed uu daah-furi doono Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku wajahan magaalada Baydhabo.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku sugan Baydhabo, isagoona halkaas ka wada kulamo hordhac u ah shirka dib u heshiisiinta deegaanada Koonfur Galbeed.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts