HomeWararDarawal Mooto Bajaaj oo Lagu dilay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Darawal Mooto Bajaaj oo Lagu dilay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Darawal Mooto Bajaaj ayaa goordhaweyd lagu dilay Gobolka Shabeellaha dhexe, waxana soo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan dilkaasi. Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Gobolkaasi gaar ahaa degaan lagu Magacaabo Garas Deele oo hoos taga degmada Balcad ayaa sheegaya in Isbaaro taalla degaankaasi lagu dilay Wade Moote Bajaaj. Marxuumka la dilay […]

- Advertisement -

Darawal Mooto Bajaaj ayaa goordhaweyd lagu dilay Gobolka Shabeellaha dhexe, waxana soo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan dilkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Gobolkaasi gaar ahaa degaan lagu Magacaabo Garas Deele oo hoos taga degmada Balcad ayaa sheegaya in Isbaaro taalla degaankaasi lagu dilay Wade Moote Bajaaj.

- Advertisement -

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cali Taliye Cariif, waxaana uu ka mid ahaa wadayaasha ku shaqeysta Moota Bajaajta.

Warar ka qaar ayaa sheegaya in dilka Marxuumka uu yimid kadib markii ay lacagta Isbaarada isku fahmi waaayeen, inkastoo ay jiraan warar kale oo soo baxaya oo ku aaddan sababaha keenay in dableyda Isbaaradu u taalay ay dilaan Marxuumkaasi.

Maamulka Degmada iyo kan Gobolka wali wax war ah kama soo saarin dilkaasi, waxaana goobta uu dilka ka dhacay gaaray Ehelada Marxuumka iyo dad shacab ah kuwaasi oo meydka halkaasi kasoo qaaday.

- Advertisement -

Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee ay yaallaan Isbaarooyinka sharci darrada ah, waxaana horay dilal loogu gaystay darawallo ka shaqeynayay gaadiidka isaga goosha Muqdisho iyo Magaalooyinka Gobolkaasi.

Latest stories