HomeWararFaah Faahin: Dabley Hubeysan oo dhalinyaro ku dishay Magaalada Gaalkacyo

Faah Faahin: Dabley Hubeysan oo dhalinyaro ku dishay Magaalada Gaalkacyo

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay kadib markii Malleyshiyaad hubaysan ay rasaas ku fureen  Goob Ganacsi oo kutaalla Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaana soo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan weerarkaasi. Wararkii ugu dambeeyay ee aynu ka helayno Gaalkacyo ayaa sheegaya in  Labo ruux ay ku dhinteen […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay kadib markii Malleyshiyaad hubaysan ay rasaas ku fureen  Goob Ganacsi oo kutaalla Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaana soo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan weerarkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee aynu ka helayno Gaalkacyo ayaa sheegaya in  Labo ruux ay ku dhinteen rasaastaasi ay fureen Maleyshiyaadkaasi,w axaana sidoo kale lasoo sheegayaa dhaawacyo intaa ka badan.

- Advertisement -

Falkaasi dilka ah ayaa la sheegay inuu salka ku hayo aanooyin qabiil,taasi oo muddo dheer soo taagnayd,waxaana goobta isaga baxsaday dableydii falakasi dilka ah fulisay.

Ciidamada ammaanka ayaa dhankooda howgallo ay ku baadi goobayaan dableydii weerarka fulisay waxaa ay ka sameeyeen aagga-uu falku ka dhacay,waxaana warar hoose oo aynu helnay ay sheegayaan gacanta lagu soo dhigay Malleyshiyaadkii dilka gaystay.

Falkaasi dilka ah ayaa dhacay xalay saqdii dhexe, waxaana labada marxuum ee dhintay lagu kala Magacaabi jiray Burhan jama iyo Farxan naser, kuwaasi oo ka mid ahaa dhalinta degaanka.

- Advertisement -

Gobolka Mudug ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilalka salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana horay heshiisyo nabadeed loo kala dhex dhigay malleyshiyaad ku dagaalamay qabyo ka mid ah Gobolkaasi,kuwaasi oo uu soo kala gaaray khasaare dhimsho iyo dhaawac leh.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts