HomeWararMaxaa kasoo baxay kulan mar kale dhexmaray Aadan Madoobe iyo Musharaxiinta KGS?

Maxaa kasoo baxay kulan mar kale dhexmaray Aadan Madoobe iyo Musharaxiinta KGS?

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay mar kale hoygiisa kulan kula qaatay siyaasiyiinta ku midoobay Midowga Musharraxiinta iyo Madasha Badbaadada Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed. Siyaasiyiinta iyo Guddoomiyaha ayaa Isla qaatay in laga wada qeyb galo gogosha 5-ta Janaayo taala magalada […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay mar kale hoygiisa kulan kula qaatay siyaasiyiinta ku midoobay Midowga Musharraxiinta iyo Madasha Badbaadada Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Siyaasiyiinta iyo Guddoomiyaha ayaa Isla qaatay in laga wada qeyb galo gogosha 5-ta Janaayo taala magalada Baydhabo,Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed. Kadib markii laga wada hadlay saluugi ay horay uga muujiyeen shirka dib u heshiisiinta, arrimahaas oo qaarkood laga wada heshiiyay qaarka kalena shirka lagu xalin doono.

- Advertisement -

Dhanka kale waxay wax laga xumaado ku tilmaameen shaqaaqadii ka dhacay Baydhabo 23- December 2022, isla-markaana Guddoomiyaha uu ka shaqeeyo in guryihii ay waxyeelada ka soo gaartey shaqaaqadaas lagu soo celiyo gacan ku hayntooda cidii iska laheyd si loo abuuro jawi xasiloon lagana fogaado waxkasto oo keeni kara gacan kahadal dambe lagana dheeraado wax abaabul dagaal u eg.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa siyaasiyiinta la wadaagay in tabasha kasta oo lakala qabo lagu xalin doono shirka loo madlan yahay horaanta bisha Janaayo, isagoo adkeeyay in laga wada shaqeeyo xasiloonida iyo horumarka deegaanka, si Koonfur Galbeed u noqoto meel xasilooni siyaasadeed ka jirto dadkeeda na kuwada noolyihiin kalsooni iyo Midnimo.

Latest stories