HomeWararMW Xasan Sheekh “Qaraxyada Muqdisho ka dhaca Baabuurta Ciidamada ayaa lagu soo...

MW Xasan Sheekh “Qaraxyada Muqdisho ka dhaca Baabuurta Ciidamada ayaa lagu soo galiyaa”

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda ay fududeeyaan soo gelida magaalada Muqdisho gaadiidka ay Al-shabaab kasoo buuxiyaan waxyaabaha qarxa. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si cad carabka ugu adkeeyay in gaadiidka qaraxyada sida ay baraha Koontaroolada ay soo dhaafiyaan saraakiil ciidan, isla markaana Askarta amar kusiiya […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda ay fududeeyaan soo gelida magaalada Muqdisho gaadiidka ay Al-shabaab kasoo buuxiyaan waxyaabaha qarxa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si cad carabka ugu adkeeyay in gaadiidka qaraxyada sida ay baraha Koontaroolada ay soo dhaafiyaan saraakiil ciidan, isla markaana Askarta amar kusiiya in la soo gudbiyo gaariga, sidaasina dadka shacabka Soomaaliyeed loogu dhibaateeyo.

- Advertisement -

“Fulay xantiisa ma mooga Qaraxyada magaalada Muqdisho ka dhaca Baabuurta Ciidamada ayaa lagu soo galiyaa, Saraakiil ayaa Checkpointiyada ka soo fasaxa oo Askarta amar siiya” ayuu yiri Madaxweynaha oo ka hadlaayay Munaasabadda sanad-guurada 79-aad ee ciidanka Booliska.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynaha ayaa waxa uu tilmaamay inay baaritaano ku socdaan saraakiil ciidan oo gawaari ay soo daayeen uu qarxay, kuwaasoo akoonadooda bank-yada lagu arkay lacago badan oo uu sheegay iney tuhunsan yihiin iney ku heleen gawaaridaaas qaraxyada ah oo ay soo daayeen.

Weerarkii ugu danbeeyay ee Al-shabaab ka geysteen magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu lagu qaaday hotelka Villa Rays oo ku yaalla meel ku dhow Xarunta Madaxtooyada, waxaana weerarkaas loo xiray Saraakiil ciidan, kuwaasi oo ay ku socdaan baaritaano.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts