HomeWararWararkii ugu danbeeyay Dagaalka Ciidanka K/Galbeed iyo kuwa la magac baxay Badbaadada

Wararkii ugu danbeeyay Dagaalka Ciidanka K/Galbeed iyo kuwa la magac baxay Badbaadada

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhexeeya ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa la magac baxay badbaadada Koonfur Galbeed ee taageersan Musharaxiinta mucaaradka oo saaka ka socda magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay. Dagaalkan ayaa waxaa markii hore uu ka bilowday, kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Galbeed ay weerar […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhexeeya ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa la magac baxay badbaadada Koonfur Galbeed ee taageersan Musharaxiinta mucaaradka oo saaka ka socda magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Dagaalkan ayaa waxaa markii hore uu ka bilowday, kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Galbeed ay weerar ku qaadeen Guri ay ku sugnaayeen ciidanka la magac baxay badbaadada Koonfur Galbeed, sida ay ku warrameen dadka deegaanka.

- Advertisement -

Rasaas xooggan oo labada dhinac isku adeegsanayaan dagaalka socda ayaa laga maqlayaa xaafaddo ka tirsan magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, waxaana wararkood ay sheegayaan in dagaalka uu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Dhinaca kale Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka Maamulka oo howlgal rondo ah ku jira ay soo weerareen kooxo burcad ah jidkooyo u dhigtay oo rabay in amniga qalqal geliyaan.

Wasaaradda amniga oo Qoraal kooban soo saartay ayaa intaas waxaa ay kusii dartay in  , waxkasto oo amniga caasimadda KMG ah ee Baydhabo khal-khal gelinaya ay  gacan bir baan iskaga qaban doonaan, xilii xaaladda Baydhabo ay tahay mid kacsan Maanta.

- Advertisement -

Si kastaba maalmo kahor ayey aheyd markii Baydhabo looga dhawaaqay Ciidamo la magac baxay badbaadada Koonfur Galbeed, kuwaasi oo taageersan musharixiinta diidan muddo kororsiga Madaxweynaha Maamulkaas Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta-gareen.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts