HomeWararDawladda Soomaliya oo sheegtay inay isu soo dhiibeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Dawladda Soomaliya oo sheegtay inay isu soo dhiibeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay gacanta ku hayaan xubno ka tirsan ururka al-Shabaab, ka dib markii ay isu soo dhiibeen ciidamada dawladda ee ku sugan maamul goboleedka Hirshabeelle. Wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya oo soo saartay warsaxaafadeed ayaa sheegtay in xubnaha isu soo dhiibay dawladda ee ka tirsan ururka al-Shabaab inay ka kooban yihiin, afar xubnood […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay gacanta ku hayaan xubno ka tirsan ururka al-Shabaab, ka dib markii ay isu soo dhiibeen ciidamada dawladda ee ku sugan maamul goboleedka Hirshabeelle.

Wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya oo soo saartay warsaxaafadeed ayaa sheegtay in xubnaha isu soo dhiibay dawladda ee ka tirsan ururka al-Shabaab inay ka kooban yihiin, afar xubnood oo uu hoggaaminayo Maxamed Cali XAsan oo loo yaqaano Macalin Xudayfa.

- Advertisement -

Wakaaladda wararka ee Soomaaliya ee SONNA ayaa sheegtay in xubnaha isa soo dhiibay inay yihiin saraakiil sare oo ka tirsan ururka al-Shabaab, kuwaas oo uu ka mid yahay Macalin Xudayfa oo ahaa taliyihii ururka al-Shabaab ee Jubbada Dhexe.

Wasaaradda warfaafinta ayaa sheegtay in Macalin Xudayfa uu hoggaaminayey maleeshiyadii ururkaas ee dhowaan lagu jebiyey dagaalladii ka dhacay shabeelada dhexe.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa sidoo kale lagu sheegay inay jiraan xubno kale oo ka tirsan ururka al-Shabaab oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada dawladda ee ku sugan Hirshabeelle.

- Advertisement -

“Ciidamada Qaranka ayaa gacanta ku dhigay 8 ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo isku dayay in ay isku qariyaan Dhulka hawdka ah ka dib Jabkii cuslaa ee Shabaabku ay kala kulantay Dagaalkii ay Ciidamada Qaranka iyo Shacabka Deegaanku kula galeen Hirshabeelle.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maalin ka hor, isla deegaankan uu isna ciidamada isu dhiibay Siciid Raage oo ururkaas ugu magcawnaa nabadoon iyo mid ka mida xubnaha ururkaas.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts