HomeWararMaxay ka wada hadleen RW Xamse iyo Wakiilka Gaarka ee Shiinaha u...

Maxay ka wada hadleen RW Xamse iyo Wakiilka Gaarka ee Shiinaha u qaabilsan Arrimaha Afrika?

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ee Dowladda Shiinaha u qaabilsan Arrimaha Afrika, Danjire LIU Yuxi. Ra’iisul Wasaaraha iyo Wakiilka Gaarka ah ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha. Danjire Yuxi ayaa […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ee Dowladda Shiinaha u qaabilsan Arrimaha Afrika, Danjire LIU Yuxi.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wakiilka Gaarka ah ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

- Advertisement -

Danjire Yuxi ayaa u soo gudbiyay Ra’iisul Wasaare Xamse salaan diirran oo uu uga siday Ra’iisul Wasaaraha Shiinaha Li Keqiang, waxaana uu sheegay in dowladda Shiinuhu ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhinaciisa soo dhaweeyay xiriirka is qaddarinta ku dhisan ee u dhaxeeya labada waddan, waxaana uu uga mahadceliyay dowladda Shiinaha taageerada dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya ay siiso.

Latest stories