HomeWararWasiirka Gaashaandhigga iyo Taliye Odawaa oo Maanta gaaray Magaalada Kismaayo

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliye Odawaa oo Maanta gaaray Magaalada Kismaayo

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa galabta gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Jubbaland. Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyey Wasiirka Amniga Jubbaland S/Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal, Taliyaha qaybta 43aad ee Xoogga Dalka, Taliyaha guud […]

- Advertisement -

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa galabta gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Jubbaland.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyey Wasiirka Amniga Jubbaland S/Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal, Taliyaha qaybta 43aad ee Xoogga Dalka, Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Jubbaland, Saraakiil iyo cutubyo ka tirsan Ciidanka Jubbaland.

- Advertisement -

Wararka qaarkood ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in wafdiga Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Taliye Odawaa ay hordhac u yihiin safar Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegayo magaalada Kismaayo.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliye Odawaa ayaa Caawa kulamo la qaadan doona Saraakiisha maamulka Jubbaland, iyagoona ka wada hadli doona bilaabida howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo la bilaabayo Jubbaland.

Latest stories