HomeCaalamkaMaxkamad laga codsaday inay xukun xabsi daa’in ah ku rido Madaxweyne hore

Maxkamad laga codsaday inay xukun xabsi daa’in ah ku rido Madaxweyne hore

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Dacwad oogayaasha dowladda Comoros, ayaa ka codsaday maxkamad in xabsi daa’in lagu xukumo madaxweynihii hore ee dalkaasi, Axmed Cabdullaahi Sambi, oo lagu eedeeyay khiyaano qaran. Sambi, oo 64 jir ah, ayaa waxa uu madaxweyne ahaa intii u dhaxaysay 2006-dii iyo 2011-kii, waxana uu xirnaa tan iyo 2018-kii, isaga oo lagu eedeeyay musuqmaasuq. Waxa uu wajahayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dacwad oogayaasha dowladda Comoros, ayaa ka codsaday maxkamad in xabsi daa’in lagu xukumo madaxweynihii hore ee dalkaasi, Axmed Cabdullaahi Sambi, oo lagu eedeeyay khiyaano qaran.

Sambi, oo 64 jir ah, ayaa waxa uu madaxweyne ahaa intii u dhaxaysay 2006-dii iyo 2011-kii, waxana uu xirnaa tan iyo 2018-kii, isaga oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

- Advertisement -

Waxa uu wajahayaa eedeymo la xiriira in baasaboorka dalka uu ka iibiyay dadka aan la ogeyn cidda ay yihiin, oo ku nool wadamada Khaliijka.

Waxaa la isku dayay isagoo maqan in la maxkamadeeyo, kadib markii uu diiday inuu ka soo muuqdo maxkamada, sida uu sheegay website-ka Comoros Infos ee sida gaarka ah loo leeyahay.

Waxaa loo qorsheeyay in la xukumo 28-ka bishan November ee sanadkan 2022-ka..

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts