HomeCaalamkaTurkiga oo Duqeeyay meel u dhow Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamada...

Turkiga oo Duqeeyay meel u dhow Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamada Mareykanka

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Duqeymaha cirka ee Turkiga oo qeyb ka ah duullaan cusub oo ka dhan ah dagaalyahannada Kurdiyiinta Suuriya ayaa ka dhacay meel ku dhow ciidamada Mareykanka ee ku sugan gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Suuriya. Taliska Dhexe ee Mareykanka, oo ay hoos yimaadaan ku dhawaad 900 oo askari oo Mareykan ah oo ku sugan Suuriya, una xilsaaran […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Duqeymaha cirka ee Turkiga oo qeyb ka ah duullaan cusub oo ka dhan ah dagaalyahannada Kurdiyiinta Suuriya ayaa ka dhacay meel ku dhow ciidamada Mareykanka ee ku sugan gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Suuriya.

Taliska Dhexe ee Mareykanka, oo ay hoos yimaadaan ku dhawaad 900 oo askari oo Mareykan ah oo ku sugan Suuriya, una xilsaaran ka hortagga kooxda la baxday dowladda Islaamka, ayaa markii ugu horreysay qiratay weerarkan Talaadadii, iyagoo sheegay in xilligaas aysan ku sugneyn saldhigga.

- Advertisement -

Laakiin sarkaal ka tirsan difaaca Mareykanka ayaa VOA u sheegay goor dambe oo Arbacadii in ciidamada Mareykanka ay ku dhow yihiin meel 300 mitir u jirta saldhigga, oo ku yaalla waqooyiga magaalada Hasakah.

Ilo ku dhow hoggaanka ciidamada SDF ee uu Maraykanku taageero ee Suuriya, ayaa VOA u sheegay in saldhiggan uu ka mid yahay dhismo weyn, isla markaana ciidamada Maraykanku ay ku jireen dhismo kale oo aan ka tirsanayn saldhigga laftiisa.

Saraakiisha ciidamada Maraykanka ayaa ka warwareegay in ay bixyaan tafaasiil dheeri ah, balse waxay u muuqdeen inay garwaaqsan yihiin halista dhacdada bayaan ay soo saareen gelinkii dambe ee Arbacadii.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts