HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Baxdo kana hadlay Dagaalka ka dhanka ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Baxdo kana hadlay Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar galinaya howlgalada dalka ka socda ayaa gaaray magaalada Baxdo ee gobolka Galguduud, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug, Wasiirro, Xildhibaanno iyo shacabka deegaanka. Madaxweynaha oo boqolaalka ka mid ah bulshada magaalada Baxdo kula hadlay fagaaraha Masjika Al-nuur oo ah saldhigga halganka ayaa ku bogaadiyay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar galinaya howlgalada dalka ka socda ayaa gaaray magaalada Baxdo ee gobolka Galguduud, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug, Wasiirro, Xildhibaanno iyo shacabka deegaanka.

Madaxweynaha oo boqolaalka ka mid ah bulshada magaalada Baxdo kula hadlay fagaaraha Masjika Al-nuur oo ah saldhigga halganka ayaa ku bogaadiyay sida au ugu guntadeen difaaca dhulka, waxa uuna adkeeyay muhiimadda in waqti kooban lagu xoreeyo deegaanada GALMUDUG ee ku haray gacanta Al-shabaab.

- Advertisement -

Madaxweynaha oo xusay geesinimada ay muujiyeen bulshada magaalada Baxdo ayaa tilmaamay in dowladdu ay diyaarisay qorshe adeegyada dowladnimada lagu gaarsiinayo dagmooyinka dadkoodu iska dulqaadeen Al-shabaab.

“Dadka ree Baxdo, waqti munaasib ah ayeey qaateen go’aan dhaxal gal ah, kaasi oo horseeday in maanta ay si nabad iyo xorriyad ah ugu noolaadaan deegaankooda iyaga oo aan cabsi ka qabin amarada AS, isla markaana difaacday naftooda, maalkooda, sharafkooda iyo diintooda” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale, Madaxweynaha oo sii wata kormeerkiisa abaabulka dagaalka dalka looga xoreynayo Al-shabaab ayaa u safray magaalada Wisil ee gobolka Mudug.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts