HomeWararAkhriso: Hadal Jeedintii Madaxweynaha Puntland ee Jaaliyadda Soomaaliyeed Dalka Zambia

Akhriso: Hadal Jeedintii Madaxweynaha Puntland ee Jaaliyadda Soomaaliyeed Dalka Zambia

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ka qeybgalay Xaflad weyn oo soo dhoweyn ah oo ay u sameeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed Dalka Zambia, taasi oo ay kasoo qeybgaleen Boqolaal qof. Madaxweynaha ayaa hadaljeedintiisa xalay warbixin ku siiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Zambia, wuxuuna la wadaagay Guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan Puntland iyo Shaqooyinka ka socda, […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ka qeybgalay Xaflad weyn oo soo dhoweyn ah oo ay u sameeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed Dalka Zambia, taasi oo ay kasoo qeybgaleen Boqolaal qof.

Madaxweynaha ayaa hadaljeedintiisa xalay warbixin ku siiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Zambia, wuxuuna la wadaagay Guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan Puntland iyo Shaqooyinka ka socda, sida Amniga , Dhismaha Ciidanka, Kaabayaasha dhaqaalaha, Garoomada , Dekadaha, Dhismaha Wadooyinka, dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Nidaamka Dimuqraadiyadda.

- Advertisement -

Wuxuu Madaxweynuhu la wadaagay Bulshada in Puntland ay ka go’antahay in talada dadka lagu celiyo oo ay soo doortaan dadka ku metelaya Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka, qorshahaasi oo saddex Degmo laga qabtay hadana la dhameystirayo in 37 degmo laga qabto iyadoo diiwaangelinta codeyayaasha Bishan bilowman doonto.

Dhammaan Dadkii Kulanka ka hadlay Masuuliyiin, Jaaliyadda, Ganacsatada iyo qeybaha kala duwanee Bulshada ayaa soo dhoweyn iyo garab istaag ugu muujiyey Madaxweynaha iyo dowlad Goboleedka Puntland, Waxqabadka dhinac walba ah, horumarka iyo Doorashooyinka hal qof iyo hal cod.

Waxaa Madaxweynaha ku weheliyay munaasabadda, Safiirka Soomaaliya ee Dalka Zambia Marwo Xaawo Xasan Maxamed, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdi Nuur, Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Zambia Maxamuud Maxamed Hiiraan iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka Zambia.

Latest stories