HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Imaam masaajid ku yaalla magaalada Muqdisho oo la...

Faah faahin kasoo baxeysa Imaam masaajid ku yaalla magaalada Muqdisho oo la dilay

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Faah faahino ayaa laga helayaa kooxo ku hubeysnaa Bastoolado oo xalay fiidkii gudaha degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ku dilay Imaamka masaajid ku yaalla degmadaas oo lagu magacaabi jiray AUN Sheekh Cabdicasiis Maxamed Xirsi. Sheekh Cabdicasiis oo Imaam ka ahaa masaajidka Dabaqeynka ee degmada Dharkeenley ayaa sida ay sheegeen goobjoogaal u geeriyooday xabbado dhowr ah […]

- Advertisement -

Faah faahino ayaa laga helayaa kooxo ku hubeysnaa Bastoolado oo xalay fiidkii gudaha degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ku dilay Imaamka masaajid ku yaalla degmadaas oo lagu magacaabi jiray AUN Sheekh Cabdicasiis Maxamed Xirsi.

Sheekh Cabdicasiis oo Imaam ka ahaa masaajidka Dabaqeynka ee degmada Dharkeenley ayaa sida ay sheegeen goobjoogaal u geeriyooday xabbado dhowr ah oo looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa, isagoona durbadii ku naf-waayay goobta uu falka ka dhacay.

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada Dharkeenley ayaa tagay halka lagu dilay Imaamkii masaajidka Dabaqeynka, isla markaana halkaas ka qaaday Meydka Marxuumka oo la geeyay Xarunta CID-da, kadibna waxaa la geeyay hoygii uu deganaa.

Kooxihii hubeysnaa ee dilka ka danbeeyay ayaa durbadii goobta ka cararay, illaa iyo hadda lama oga sababta loo dilay Sheekh Cabdicasiis Maxamed Xirsi, hayeeshee dilkiisa ayaa waxaa uu kamid noqonayaa dilal horey uga dhacay magaalada Muqdisho.

Muqdisho ayaa waxaa marar kala duwan lagu dilay dad shacab ah, mas’uuliyiin, Askar iyo xubno kale, waxaana inta badan dilalkii ka dhacay magaalada Muqdisho mas’uuliyadooda sheegtay dagaalamayaasha Al-shabaab.

Latest stories