HomeWararDowladda oo ka hadashay Weerar Qaraxyo oo Al-shabaab ku qaaday degaanka Burdaar

Dowladda oo ka hadashay Weerar Qaraxyo oo Al-shabaab ku qaaday degaanka Burdaar

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay weerar ku bilowday qaraxyo oo saaka oo jimco ah Al-shabaab ku qaaday deegaanka Burdaar ee Gobalka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle, halkaas oo Saldhig Ciidan ay ku leeyihiin Ciidanka Gorgor ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Gen. Cabdullaahi Cali Caanood oo lahadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa […]

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay weerar ku bilowday qaraxyo oo saaka oo jimco ah Al-shabaab ku qaaday deegaanka Burdaar ee Gobalka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle, halkaas oo Saldhig Ciidan ay ku leeyihiin Ciidanka Gorgor ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Gen. Cabdullaahi Cali Caanood oo lahadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa u sheegay in Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degaanka Burdaar ay fashiliyeen weerar gaadma ah oo Al-shabaab soo qaaday.

- Advertisement -

Afhayeen Gen. Cabdullaahi Caanood ayaa intaas kusii daray in Ciidanka ay heleen xogta weerarka Al-shabaab ee ku wajahnaa Saldhiga Ciidamada, isla markaana laga hortagay weerarka, ayna Shabaabka la dileen 12 dagaalame, waa sida uu hadalka u dhigay Afhayeenka.

Gen. Caanood ayaa wuxuu xaqiijiyay in ciidamada xoogga dalka ay weerarka kaga dhaawacmeen 3 Askari, hadana ay sii wadaan howlgalo ka dhan ah Al-shabaabkii saaka weerarka kusoo qaaday deegaanka Burdaar ee gobalka Hiiraan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka qaraxyada ah ee saaka Al-shabaab ku qaaday degaanka, sidoo kalena waxaa dhacay dagaal u dhexeeyay dhinacyada, sida ay sheegayaan wararka laga helayo degaanka Burdaar.

Latest stories