HomeCaalamkaAfar Xubnood oo Boolis dilaayaal ah oo Maxkamad lasoo taagayo

Afar Xubnood oo Boolis dilaayaal ah oo Maxkamad lasoo taagayo

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Afar xubnood oo ka tirsan ciidamada Boliiska Kenya ayaa lagu eedeeyey in ay ka dambeeyyeen dilal , afduubyo iyo jirdil ka dhacay gudaha dalkaas ayaa maanta horgeynayaa maxkamad ku taalla magaalada Nairobi. Waxay qeyb ka haayeen koox gaar ah oo uu dhawaan kala diray Madaxweynaha Kenya William Ruto iyadoo ciidamadaas lagu eedeeyey dil aan loo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Afar xubnood oo ka tirsan ciidamada Boliiska Kenya ayaa lagu eedeeyey in ay ka dambeeyyeen dilal , afduubyo iyo jirdil ka dhacay gudaha dalkaas ayaa maanta horgeynayaa maxkamad ku taalla magaalada Nairobi.

Waxay qeyb ka haayeen koox gaar ah oo uu dhawaan kala diray Madaxweynaha Kenya William Ruto iyadoo ciidamadaas lagu eedeeyey dil aan loo meel dayin taas oo sanado badan socotay.

- Advertisement -

Falkii ugu dambeeyay ee lagu eedeeyay waxaa kamid ah dil loo geystay labo muwaadin oo u dhashay Hindiya kuwaas oo la waayay halka jaan iyo cirib ay dhigeen, waxaana markii dambe meydkooda laga helay keyn ku taalla bartamaha Kenya.

Saraakiishan ka tirsan ciidamadan haatan la gala diray waxaa loo heystaa falal isugu jiro dil, inay ku takrifaleen awooddooda iyo shirqool ku aadan inay galeen dambiyo.

Madaxweyne Ruto ayaa dhawaan sheegay in kala diridda ciidamadii gaarka ahaa ay qeyb ka tahay isbeddelka dhanka hoggaanka, xilli maamulka cusub uu qorsheynayo inuu dib u habeeyo maareynta waaxda ammaanka ee dalka.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in ciidammadaas uu kala diray ay mas’uul ka ahaayeen dilalka aan kala sooca lahayn iyo dadka la waayay ee markii dambe maydadkooda laga helay deegaanno kala duwan oo dalka ka tirsan sida tuulooyinka ka ag dhaw webiga Yala.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts