HomeWararXukuumadda oo faah faahin ka bixisay ujeedka safarka RW Xamse ugu baxay...

Xukuumadda oo faah faahin ka bixisay ujeedka safarka RW Xamse ugu baxay Itoobiya

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyaga oo kusii jeeda dalka Itoobiya. Afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha Farxaan Maxamed Jimcaale oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey ujeedka safarka Xamse, wuxuuna sheegay in Xamse uu Itoobiya […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyaga oo kusii jeeda dalka Itoobiya.

Afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha Farxaan Maxamed Jimcaale oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey ujeedka safarka Xamse, wuxuuna sheegay in Xamse uu Itoobiya uga qeyb geli doono shirka caalamiga ee Madasha Tana.

- Advertisement -

Wuxuu sheegay Afhayeen Farxaan in shirka looga hadli doono arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin Amniga Qaaradda Afrika, isagoo xusay in Ra’iisul Wasaaraha uu khudbad ka jeedin doono shirka caalamiga ee Madasha Tana, ugana hadlayo xaaladda amniga dalka.

Sidoo kale Afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa tilmaamay in shirka oo maalmaha soo socda ka furmaya magaalada Addis Ababa ay ka qeyb geli doonaan Madaxweyneyaal ka socda dalalka Afrika iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya  waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa mad aka qeyb galeysa shirka oo uu kala hadlayo arrimo dhowr ah.

Latest stories