HomeWararMaxaa kasoo baxay Shirkii Somalia iyo dalalka deeq-bixiyeyaasha ee soo Idlaaday?

Maxaa kasoo baxay Shirkii Somalia iyo dalalka deeq-bixiyeyaasha ee soo Idlaaday?

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Waxaa magaalada Washington DC ee xarunta dalka Maraykanka lagu soo gaba-gaboobeeyay shirkii gaar ka ahaa (Roundtable) ee Soomaaliya iyo dalalka deeq-bixiyeyaasha oo hoggaan ay u ahaayeen IMF iyo Bangiga Adduunka. Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Dr; Cilmi Maxamed Nuur oo qeyb ka ahaa shirka ayaa sheegay in madaxda IMF iyo Bankiga Adduunka ay la wadaageen dedaalka […]

- Advertisement -

Waxaa magaalada Washington DC ee xarunta dalka Maraykanka lagu soo gaba-gaboobeeyay shirkii gaar ka ahaa (Roundtable) ee Soomaaliya iyo dalalka deeq-bixiyeyaasha oo hoggaan ay u ahaayeen IMF iyo Bangiga Adduunka.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Dr; Cilmi Maxamed Nuur oo qeyb ka ahaa shirka ayaa sheegay in madaxda IMF iyo Bankiga Adduunka ay la wadaageen dedaalka iyo horumarka ay Soomaaliya ka gaartay hannaanka dib-u-habeynta maaliyadda.

- Advertisement -

Sidoo kale Wasiirka oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa  uu ku tilmaamay in  madaxda IMF iyo Bankiga Adduunka u sheegeen sidii ay DF u fulisay dhammaan shuruudihii deyn-cafinta iyo taageerada looga baahan yahay saaxiibbada caalamka.

“Waxaa guul innoogu soo dhammaaday shirkii gaar ka ahaa (Roundtable) ee Soomaaliya iyo Dalalka deeq-bixiyeyaasha oo hoggaan ay u yihiin IMF iyo Bangiga Adduunka. Natiijo lagu farxo iyo taageero wada ogol ah ayaan kala kulannay” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka maaliyadda Xukuumadda ayaa sheegay in natiijo lagu farxo iyo taageero wada oggol ah ay kala kulmeen ka soo qayb galayaasha shirka gaarka ah ee uu halkudhigiisu ahaa “Miiska-gorfeynta marxaladda Soomaaliya.

Latest stories