HomeWararRa’iisul Wasaare Xamse Barre oo lagu soo dhaweeeyay Magaalada Addis Ababa

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo lagu soo dhaweeeyay Magaalada Addis Ababa

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Hamza Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa galabta soo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia. Ra’iisul Wasaaraha oo ka qaybgali doona shirka caalamiga ee Madasha Tana, ayaa waxa garoonka dayaaradaha ee Addis Ababa si diirran ugu soo dhaweeyay, Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga PP ee haya talada dalka, […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Hamza Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa galabta soo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qaybgali doona shirka caalamiga ee Madasha Tana, ayaa waxa garoonka dayaaradaha ee Addis Ababa si diirran ugu soo dhaweeyay, Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga PP ee haya talada dalka, Aadan Faarax Ibraahim, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafa Cumar iyo masuuliyiin kale.

- Advertisement -

Afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha Farxaan Maxamed Jimcaale oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey ujeedka safarka Xamse, wuxuuna sheegay in Xamse uu Itoobiya uga qeyb geli doono shirka caalamiga ee Madasha Tana.

Wuxuu sheegay Afhayeen Farxaan in shirka looga hadli doono arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin Amniga Qaaradda Afrika, isagoo xusay in Ra’iisul Wasaaraha uu khudbad ka jeedin doono shirka caalamiga ee Madasha Tana, ugana hadlayo xaaladda amniga dalka.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xirsi Jaamac Gaani, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda, Cali Maxamed Cumar, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa, Wasiir ku xigeenka  Duulista Hawada, General Sulub Axmed Firin, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha, Cabdixakiim Xasan Ashkir,  Senator Ilyaas Beddel Gaboose, La Taliyayaal iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Latest stories