HomeWararPuntland oo ku dhawaaqday lacag ay taageereyso Ururada Siyaasadda & diyaar garooga...

Puntland oo ku dhawaaqday lacag ay taageereyso Ururada Siyaasadda & diyaar garooga Doorashada

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay Ururada Siyaasadda Puntland iyo Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, Kulanka ayaa ahaa is xogwareysi iyo dardargelinta doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdi Faarax Juxa iyo Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay Ururada Siyaasadda Puntland iyo Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, Kulanka ayaa ahaa is xogwareysi iyo dardargelinta doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdi Faarax Juxa iyo Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa la wadaagay kulanka Halka uu marayo diyaargarowga dhameystirka Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

- Advertisement -

Madaxda Ururada Siyaasadda Puntland ee Shirka ka qeybgalay, ayaa iyana Kulanka kusoo bandhigay aragtidooda iyo sida ay diyaar ugu yihiin in ay ka qeybgalaan Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka jawaabaya soojeedinta Ururada Siyaasadda ayaa ku dhawaaqay in Dowladdu taageero dhaqaale la garab istaagayso Ururada Siyaasadda, Maamulka ayaana $10,000 howlgelinta koowaad siinaysa Ururkasta Iyadoo inta howsha Doorashada iyo ololaha socdona bil kasta Ururkasta lasiinayo $3,000 oo joogto ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa la wadaagay Kulanka in uu soo magacaabayo Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland, si loo dhameystiro Waxyaabaha dhinaca Garsoorka ka khuseeya Doorashada hal qof iyo hal cod ee Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

- Advertisement -

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta, Wasiirka Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, La-taliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Latest stories