HomeWararMuxuu yahay ujeedka safarka Madaxweyne Xasan Sheekh u tagay Magaalada Kampala?

Muxuu yahay ujeedka safarka Madaxweyne Xasan Sheekh u tagay Magaalada Kampala?

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay booqasho uga bilaabatay dalka Uganda ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Kampala ee Caasumadda dalkaas. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo ku qotoma xoojinta iyo garab istaagga halganka dalka lagaga xoreynayo Alshabaab waxa uu la yeelanayaa Madaxda dalkaas, si taageero heer […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay booqasho uga bilaabatay dalka Uganda ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Kampala ee Caasumadda dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo ku qotoma xoojinta iyo garab istaagga halganka dalka lagaga xoreynayo Alshabaab waxa uu la yeelanayaa Madaxda dalkaas, si taageero heer gobol ah loogu helo howlgallada socda, lana xoojiyo iskaashiga ku aaddan amniga.

- Advertisement -

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu kala qeyb geli doonaa Madaxda dalalka Gobolka xuska 60-guurada Uganda ee ka soo wareegtay xornimadooda, iyadoo Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay dalalkii ku taageeray halgankii xornimo doonka Uganda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Uganda sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkaas oo ay u dabbaal degayaan maalmahan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay uga mahad-celinayaan doworka ay ka qaadanayaan ciidamada Uganda, nabadda iyo xasilloonida Soomaalia

Latest stories