HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo War kasoo saaray geeridii Taliye Farxaan Qaroole

Madaxweyne Xasan Sheekh oo War kasoo saaray geeridii Taliye Farxaan Qaroole

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Qalabka Sida uga tacsiyeeyay geerida ku timid Taliyhii Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan iyo askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo lagu dilay qarax ka dhacay deeganno ka tirsan Shabeellaha Dhexe. Madaxweynaha ayaa tilmaamay sida ciidamada […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Qalabka Sida uga tacsiyeeyay geerida ku timid Taliyhii Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan iyo askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo lagu dilay qarax ka dhacay deeganno ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay sida ciidamada geesiyaasha ah ee Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay xoreeyaan dalka oo ay nolol karaamo leh ugu noolaan lahaayeen dadkoodu ama in ay u shahiidaan iyagoo gudanaya waajibaadkaas qaran.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa in Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan, Alle ha u naxariistee, uu go’aankaas lahaa, kuna shaqeeyey, maantana u shahiiday.

” Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan iyo askartii kale ee la shahiidday waxa ay waqtigoodii iyo naftoodooba u hureen sidii ay nabad ugu noolaan lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa kooxaha argagixisada ah.” Ayuu yiri Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud iyo askartii kaleba ee la shahiidday waxa uu Alle uga baryay naxariistiisa Jannatul Fardowsa, qoyskii iyo ehelladii ay ka tageenna sabur iyo iimaan in uu ka siiyo.

- Advertisement -

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qarax miino ah oo Maanta lagu dilay Taliyhii Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir Sarreeye Guuto Farxaan Qaroole iyo Askar la socotay, waxaana  uu qaraxu ku qabsaday deegaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Latest stories