HomeWararWararkii ugu danbeeyay Weerar sababay khasaaro oo ka dhacay Baladweyne

Wararkii ugu danbeeyay Weerar sababay khasaaro oo ka dhacay Baladweyne

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Rag hubeysan ayaa fiidnimadii xalay weerar loo adeegsaday Bam gacmeed ku weeraray Guri uu xaafadda Xaawo-taako ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka degan yahay Sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa Milateriga. Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo Askar ilaalo […]

- Advertisement -

Rag hubeysan ayaa fiidnimadii xalay weerar loo adeegsaday Bam gacmeed ku weeraray Guri uu xaafadda Xaawo-taako ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka degan yahay Sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa Milateriga.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo Askar ilaalo ka aheyd guriga la weeraray oo uu degan yahay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milateriga qeybta 27-aad oo lagu magacaabo Muuse qurux.

- Advertisement -

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay kusoo warrameen in  weerarka uu ku dhintay Nin lagu magacaabi jiray Shire Barre Jiis oo kamid ahaa ilaalada Sarkaalka, isla markaana waxaa ku dhaawacmay weerarka afar qof kale oo isugu jiray shacab iyo Askar Ciidan.

Kooxihii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay xaafadda Xaawo-taako ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa durbadii goobta ka baxsaday, waxaana dadka dhaawacmay loo qaaday Xarumo Caafimaad si loogu daaweeyo.

Magaalada Baladweyne ayaa waxaa horey uga dhacay falal amni darro sida dilal qorsheysan, qaraxyo Is-miidaamin ah oo  dad badan ku dhinteen iyo weeraro kale oo geysteen rag hubeysan, Al-shabaab ayaa inta badan sheegta falalka ka dhaca halkaas.

Latest stories