HomeWararRW Xamse oo Xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Itoobiya u jooga Soomaaliya

RW Xamse oo Xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Itoobiya u jooga Soomaaliya

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Itoobiya u jooga Soomaaliya, Cabdifitaax Cabdullaahi Xasan. Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjiraha Itoobiya ayaa intii kulankoodu socday waxay isla soo qaadeen arrimo dhowr ah oo khuseeya xiriirka derisnimo ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii hormarin lahaa. Dhanka kale […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Itoobiya u jooga Soomaaliya, Cabdifitaax Cabdullaahi Xasan.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjiraha Itoobiya ayaa intii kulankoodu socday waxay isla soo qaadeen arrimo dhowr ah oo khuseeya xiriirka derisnimo ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii hormarin lahaa.

- Advertisement -

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray adeegga duulista hawada Soomaaliya oo horumarin lagu sameeyay, lana gaarsiiyay heerka ugu sarreeya ee lagu qiimeeyo adeegga hawada caalamka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, Axmed Macallin ayaa ka warramay dadaalkii lagu soo gaaray heerka maanta ay u gudubtay hey’adda maamusha hawada dalka.

Ra’isul Wasaaraha oo hadal ka jeediyey munaasabaddda xarig-jarka oo ka dhacday xarunta Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay heerkan maanta la gaaray u leedahay horumarka dalka iyo guud ahaan dib u habeynta casriga ah ee adeegga hawada Soomaaliya.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Barre ayaa xusay in horumarinta lagu sameeyay adeegga hawada dalku uu keenayo kobac dhaqaale oo ka qeyb qaadanaya horumarka iyo isku filnaashaha dhaqaale ee uu qaranku hiigsanayo, waxaana uu u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka geysatay guusha laga gaaray hagaajinta adeegga duulista hawada dalka.

Latest stories