HomeWararDFS oo War kasoo saartay Howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhanka ahaa...

DFS oo War kasoo saartay Howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhanka ahaa AL-Shabaab

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgal cusub oo ay iska kaashanayaan ciidamada milateriga ee Soomaaliya iyo dadka deegaanka oo ka socda deegaanka Yasooman ee hoostaga degmada Buula-burde in lagu dilay in ka badan 45 xubnood oo ka tirsan ururka al-Shabab. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalkani uu weli […]

- Advertisement -

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgal cusub oo ay iska kaashanayaan ciidamada milateriga ee Soomaaliya iyo dadka deegaanka oo ka socda deegaanka Yasooman ee hoostaga degmada Buula-burde in lagu dilay in ka badan 45 xubnood oo ka tirsan ururka al-Shabab.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalkani uu weli socdo, isla markaana ay dawladdu war ka soo saari doonto marka uu soo dhamaado.

- Advertisement -

Warsaxaafadeedka ka soo baxay dawladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada milateriga ee dawladdu inay toogteen sagaal xubnood oo ka tirsan ururka al-Shabaab, ka dib hawlgal ka dhacay deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyada oo ay dawladdu sheegtay in raggaasi ay isku dayayeen inay halkaas ku dhuuntaan, si ay isaga abaabulaan.

“Howlgalka deegaanka Warmaxan inta uu socday waxaa dhaawac uu ka soo gaaray Saddex ka mid ah ciidamada geesiyaasha ah ee Qaranka.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka dawladda, iyada oo intaas lagu daray “Inta ay socdaan howlgalada ka dhanka ah Argagixisada waxaa lagu dilay in ka badan 200 oo ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaan laga saaray maleeshiyaadka ku dhowaad 30-deegaan oo ay dadka Soomaaliyeed ku gumaadi jireen.” ayaa lagu soo gebagebeeyey warsaxaafadeedka.

Latest stories