HomeCaalamkaMadaxweyne Putin oo ka hadlay jab xoogan oo Ciidankiisa kasoo gaaray Ukraine

Madaxweyne Putin oo ka hadlay jab xoogan oo Ciidankiisa kasoo gaaray Ukraine

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Madaxweyne Putin ayaa ku adkeystay in weeraradii ugu dambeeyay ee Ukraine aysan waxba ka bedeli doonin qorshaha militari ee Ruushka. Wacdaro cajiib ah, ciidamada Ukraine ayaa sheegay in lix maalmood gudahood ay gobolka waqooyi bari ee Kharkiv. Dib ula wareegeen in ka badan 8,000 kilo mitir oo laba jibaaran. Putin ayaa sheegay in aanu wax […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweyne Putin ayaa ku adkeystay in weeraradii ugu dambeeyay ee Ukraine aysan waxba ka bedeli doonin qorshaha militari ee Ruushka. Wacdaro cajiib ah, ciidamada Ukraine ayaa sheegay in lix maalmood gudahood ay gobolka waqooyi bari ee Kharkiv.

Dib ula wareegeen in ka badan 8,000 kilo mitir oo laba jibaaran. Putin ayaa sheegay in aanu wax degdeg ah qabin, wuxuuna intaa ku daray in Ruushku aanu ilaa hadda ciidamiisa oo dhan dagaal gelin.

- Advertisement -

“Hawlgalka iyo weerarka Donbas ma joogsanayo, wey sii soconayaan laakin si xawli ah uma soconayaan oo si tartiib tartiib ah ayay  dhul badan u qabsanayaan,” ayuu yiri ka dib shir madaxeed ka dhacay Uzbekistan.

Gobolka Donbas ee wershadaha ee bariga Ukraine ayaa ah halka Ruushka diiradda u saaran ka dib duulaanka Ukraine, kaasoo Mr Putin uu si been abuur ah u sheegay inay lagama maarmaan tahay in dadka ku hadla afka Ruushka laga badbaadiyo xasuuqa.

Khudbaddii  Jimcaha, Mr Putin wuxuu sidoo kale tilmaamay in keliya qayb ka mid ah ciidamada Ruushka ay ka dagaalamayaan Ukraine, isagoo ku hanjabay inay “jawaab ka sii daran” ka bixin doonaan haddii weerarrada Ukraine ay sii socdaan.

- Advertisement -

Tan iyo duulaankii Ruushka ee bishii February waxaa dhif ahayd in Mr Putin uu ka baxo Ruushka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts