HomeWararDowladda Soomaaliya oo baaq deg deg ah u dirtay Beelo ku dagaalamay...

Dowladda Soomaaliya oo baaq deg deg ah u dirtay Beelo ku dagaalamay Gobolka Galgaduud

Date:

Related stories

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshisiinta XFS ayaa waxaa ay baaq nabadeed u dirtay labo beelood oo ku dagaalamay deegaanka Laanqaylo oo 8 KM ujirta magaalada Xeraale gobolka galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug. Wasaaraddu waxaa ay ugu baaqayday odayaasha dhaqanka, waxgaradka deegaanka iyo dowlad goboleedka Galmudug, in ay ka shaqeeyaan joojinta colaadda iyo […]

- Advertisement -

Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshisiinta XFS ayaa waxaa ay baaq nabadeed u dirtay labo beelood oo ku dagaalamay deegaanka Laanqaylo oo 8 KM ujirta magaalada Xeraale gobolka galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug.

Wasaaraddu waxaa ay ugu baaqayday odayaasha dhaqanka, waxgaradka deegaanka iyo dowlad goboleedka Galmudug, in ay ka shaqeeyaan joojinta colaadda iyo nabadaynta beelaha wada dega deegaankaas.

- Advertisement -

Ugu dambayn, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, federaalka iyo Dib U Heshisiinta ayaa sheegtay inay ka xuntahay colaadaha soo noq noqday ayaa waxay si gaar ah ugu boorisay beelahaas ay dirirtu dhax martay in ay ka dheeraadaan wax kasta oo kala fogeyn kara walaaltinnimada dhexdooda ah, dagaalkana ay joojiyaan isla markaana ay ka shaqeeyaan in colaadda laga gaaro nabad waarta.

Latest stories