HomeWararMadaxweyne Qoorqoor oo ka hadlay Dagaalka looga dhawaaqay deegaanada Maamulkiisa

Madaxweyne Qoorqoor oo ka hadlay Dagaalka looga dhawaaqay deegaanada Maamulkiisa

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ay ku dhawaaqeen dadka deegaanada Galmudug. Madaxweyne Axmed Qoorqoor oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay inuu boggaadinayo bulshada reer Galmudug sida ay ugu dhawaaqeen dagaalka ka dhanka ah  Al-shabaab, oo qeybo kamid […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ay ku dhawaaqeen dadka deegaanada Galmudug.

Madaxweyne Axmed Qoorqoor oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay inuu boggaadinayo bulshada reer Galmudug sida ay ugu dhawaaqeen dagaalka ka dhanka ah  Al-shabaab, oo qeybo kamid ah Gobolka Galgaduud ka dhacay.

- Advertisement -

Wuxuu Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ka rajeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay garab istaagi doonto dadka deegaanada Maamulka ee dagaalka ku jira Al-shabaab.

Dhanka kale, Wasiirka arrimaha gudaha, dowladda Federaalka Axmed Macalin ayaa sheegay in dowladda ay la diyaar tahay tallaabooyinka lagu taageerayo dadka Galmudug ee ku dhawaaqay dagaalka dib u xorreeynta deegaanada ka maqan Maamulka.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa u yimid Muqdisho qeyb galka Shirka Wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya Madaxda dowladda Federaalk iyo maamul Goboleedyada, kaas oo looga arrinsanayo arrimmo dhowr ah.

Latest stories