HomeWararMareykanka oo ka walaacsan xaalad macluul la saadaaliyey ee kusoo wajahan Somalia

Mareykanka oo ka walaacsan xaalad macluul la saadaaliyey ee kusoo wajahan Somalia

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Toddobaadkan, khabiirka arrimaha bini’aadanimada ee guddiga dib u eegista macluusha ayaa saadaaliyay in qaybo ka mid ah Soomaaliya ay u badan tahay inay ka dhici doonaan macaluul inta u dhaxaysa bilaha Oktoobar iyo Disembar iyada oo aan la qeybin gargaar la taaban karo. “Maraykanku wuxuu aad uga walaacsan yahay saadaashan aan wanaagsaneyn iyo baaxadda baahida […]

- Advertisement -

Toddobaadkan, khabiirka arrimaha bini’aadanimada ee guddiga dib u eegista macluusha ayaa saadaaliyay in qaybo ka mid ah Soomaaliya ay u badan tahay inay ka dhici doonaan macaluul inta u dhaxaysa bilaha Oktoobar iyo Disembar iyada oo aan la qeybin gargaar la taaban karo.

“Maraykanku wuxuu aad uga walaacsan yahay saadaashan aan wanaagsaneyn iyo baaxadda baahida guud ee dalka iyo gobolkaba” ayuu yiri la taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan oo intaas raaciyay “Macluusha iman karta waa natiijada arrimo isbiirsaday. Isbeddelka cimilada ayaa weli kasii socda gobolka oo ay ka jirto abaartii ugu xumayd ee Geeska Afrika ka dhacda muddo 70 sano ah”

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo dalalka derisa aysan weli kasoo kabsan saameyntii COVID-19.

“Waxaa intaa dheer, duullaankii Ruushka ee Ukraine wuxuu kordhiyey qiimaha cuntada, bacriminta, iyo shidaalka, taas oo uga sii dartay baahida bini’aadanimo iyo ka dhigista gargaarka mid qaaliga ah, isla markaana xaddiday gaaritaankiisa” ayuu sii yiri Jake Sullivan.

Waxa uu sheegay in Mareykanku uu wax ka qabashada abaaraha Soomaaliya uu ugu deeqay in ka badan $706 milyan oo dollar sanadkan oo kaliya, laakiin wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in aysan weli arag deeq-bixiyeyaal kale oo soo kordhiyey kaalmooyin la taaban karo, iyo gargaar, wuxuuna sheegay inay lama huraan tahay in beesha caalamku ay si degdeg ah wax uga qabato, si loo badbaadiyo nolosha, loogana hortago in saadaashaasi ay noqoto mid dhab ah.

Latest stories