HomeWararMadaxweyne Biixi oo kulan la qaatay xubnaha cusub ee komishanka Doorashooyinka

Madaxweyne Biixi oo kulan la qaatay xubnaha cusub ee komishanka Doorashooyinka

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka ee dhawaan kasoo gudbay ansixinta Golaha Wakiillada oo maanta hortiisa lagu dhaariyey. Xubnaha komishanka doorashooyinka ee maanta Madaxweynaha hortiisa yimi, saddex kamid ahna uu halkaas ku dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayuu Madaxweynuhu ku adkeeyey inay hawshooda […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka ee dhawaan kasoo gudbay ansixinta Golaha Wakiillada oo maanta hortiisa lagu dhaariyey.

Xubnaha komishanka doorashooyinka ee maanta Madaxweynaha hortiisa yimi, saddex kamid ahna uu halkaas ku dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayuu Madaxweynuhu ku adkeeyey inay hawshooda u gutaan si xilkasnimo iyo dedaal ku jiro, dhexdana u xirtaan inay hawlaha ballaadhan ee doorashooyinka ee ka sugayo ay hore ka bilaabaan.

- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ugu horrayn xubnaha la ansixiyey ee Komishanka doorashooyinka ku adkeeyey inay Gudahahooda muujiyaan midnimo iyo masuuliyad-wadareed, gudahoodana samaystaan xeer-hoosaadyo ay ku kala socdaan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu caddeeyey in xubnaha komisanka looga fadhiyo hirgelinta labada doorasho ee ururrada iyo madaxweynaha oo uu xusay inay midda ururradu soo horayso, waxana uu yiri,“Laba doorasho ayaa ina dul yaalla oo aad qaadaysaan, midi waa tii xisbiyada, marka aad saddexda xisbi soo saartaan baa madaxweynahana la dooranayaa, ururradaa cararayaana madaxweynay doonayaan, mana dhici karto in la yidhaahdo ururradow, ururna sameeya, madaxweynena u gudbi maysaane dib u suga, sharcigana ma waafaqsana.”

Ugu dambayntii, madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu xubnaha komishanka u sheegay inuu madaxwene ahaan si buuxda u garab taagan taagan yahay, gacan buuxdana ka siinayo wax kasta oo dhinaciisa kaga xiran.

Latest stories