HomeWararXukun dil toogasho oo lagu riday Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda oo...

Xukun dil toogasho oo lagu riday Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda oo dilal geysatay

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta xukun dil toogasho ah ku riday laba Askari oo ka kala tirsan Ciidamada Gor-gor  iyo kuwa Xoogga dalka gaar ahaan qeybta 60-aad, kuwaasi oo lagu helay inay dilal bareer u geysteen  laba  wiil oo dhallinyaro ahaa. Labada Askari ee Maxkamadda xukunka ku riday ayaa lagu kala magacaabaa Guuleed Xamse […]

- Advertisement -

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta xukun dil toogasho ah ku riday laba Askari oo ka kala tirsan Ciidamada Gor-gor  iyo kuwa Xoogga dalka gaar ahaan qeybta 60-aad, kuwaasi oo lagu helay inay dilal bareer u geysteen  laba  wiil oo dhallinyaro ahaa.

Labada Askari ee Maxkamadda xukunka ku riday ayaa lagu kala magacaabaa Guuleed Xamse Maxamed iyo Cabdi weli Jaamac xersi, waxaana 11-kii June sanadkan ay deegaanka Bariire ee Gobalka Shabellada Hoose ku dileen Maxamed Cabdiladiif Jiir iyo Cabdi Xasan Macalim Isxaaq, xilli ay baranayeen Farshaxan.

- Advertisement -

Sidoo kale Maxkamadda ayaa xukun ku riday Askari sedaxaad laguna magacaabo Maxamed Isxaaq Guuleed, kaasi oo ku Eedeysan inuu horey u soo raacay Askarta falka geysatay, iyagoona saddexdooda markii hore kusoo tashtay inay dhacaan ragga la dilay.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay in Guuleed Xamse Maxamed iyo Cabdi weli Jaamac xersi lagu riday xukun Dil toogasha ah oo Qisaasta Marxuumiinta kala ah Maxamed Cabdiladiif Jiir iyo Cabdi Xasan Isxaaq.

Guddoomiye Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sidoo kale sheegay in seddax Sano oo Xabsi Ciidan ah ku xukuntay Maxamed Isxaaq Guuleed, kaasi oo ku eedeysan inuu horey u soo raacay Askarta falka geysatay.

Latest stories